Wasiirka Wers...

Wasiirka Wershadaha Somaliland Oo Sheegay Inay Jiraan Wershado Aan Diiwaan Gashanayn Oo Dalka Ku Dhuumanaya

0

Wasiirka warshadaha  Shucayb Maxamed Muuse ayaa maanta Sheegay iney jiraan warshado Aan sharciyeeysney oo Ku dhex dhuumanaya Gobolada Somaliland, kuwaas oo lasheegay injay Sameeyaan waxsoosaarka Caafimaadka dadka, Xoolaha  waxyeelo weyn  ugeysta, warshadaha Noocan ayaa ah kuwo isticmaala kiimikada sida weyn wax u yeesha caafimaadka noolaha iyo deegaanka, Wasiirka oo hadalkiisii sii wata ayaa fariin u diray Hayadaha dawliga ee ay wada shaqaynta leeyihiin sida, ciidamada Amaanka, Ciidanka Sirdoonka, isagoo wasiirki siweyn ugu adkeeyey inay kala shaqeeyaan wasaarada warshadaha sidii looga hortagi lahaa loona baadi goobi lahaa halka ay kaga jiraan wadanka,

Wasiirka warshadaha shucayb ayaa waxaa kaluu wargalin udiray warshadaha wadanka gudihiisa ka jira inay jiraan kormeer balaadhan oo wasaarada waaxda Fayo shawrka iyo deegaankau wado Karmeer balaadhan oo lagu sugayo ilaalinta caafimaadka iyo deegaanka, iyadoo ay jiraan warshado wasakh kiimiko ah ku daadiya deegaanka xooluhu daaqaan iyo hareeraha baliyada biyaha, taasoo badanaa keenta inay ledaan xoo;o iyo dad badan kadibna ay soo baxaan daacuuno iyo xanuuno aan dawadooda lagaraney, waxuu wasiirku u mahad celiyey shaqaalaha waaxda fayo dhawrka iyo deegaanka ,

(Lasoco iyadoo Muuqaal ah goordhaw)

Waxaa kaloo isna warbixin dheer kabixiyey Agaasimaha waaxda fayo dhawrka iyo deegaanka  Dhuux C/Laahi Cabdi Abokor, ayaa isaguna sheegay inay wadi doonaan howshan kormeerka iyo ukuurgalista Fayadhawrka iyo deegaanka mudo todobo maalmood ah oo ay kabilaabmatay maanta oo bishu tahay 08-Oct-2016

vlcsnap-2016-10-08-16h13m20s688-640x482

vlcsnap-2016-10-08-16h14m18s514

img_3288-1024x683

NO COMMENTS

Leave a Reply