Jaamacadii 6aad Ee Itoobiya Leedahay Oo Laga Furay Hargaysa Iyo Walaaca Dayarta Ee Collegeyada Qalaad Ee Qolaalka Loo Kireeyey
October 3, 2016 - Written by editor

“Albaabada Ayaan U Laabayaa Haday Jaamacadani Noqoto Malcaamadihii Hore Hargaysa Uga Furnaa”Wasiirka Waxbarashada Somaliland Cabdilaahi Ibraahin Habane

 

 

Hargeysa(ERYALTV)Somaliland   waxa ku soo badanaya Jaamacadaha kuwaasi oo hada gaadhaya ilaa 30 jaamacadood badankoodana yihiin jaamacado ajaanib ah oo faracyo ka furtay magalooyinka wawayn ee Somaliland Sidoo kalena aan lahayn tayadii Waxbarasho ee Jamaacadi Leedahay Balse waxaa Ay Wada Sitaan College oo Magacooda La Raaciyo Waxaana  Ay u Hawlgalaan Sida College-yada.

14479642_1683722721944913_7081907041216618648_n

University College Iyo University Waa Laba Kala duwan waxaana ay Dhamaan College-yada isku Sheegay Jaamacadaha ee Ka Furan Somaliland Wax Ka dhiga Dad Aan Aqoon Sare ka gaadhin Waxbarashada iyo Tacliinta Waxbarista iyadoo la ogyahay in Jaamacada ay wax ka dhigaan Qof Sita Derejada (PROFFESORS) Taasi bedelkeedana Somaliland Macalimiinta jaamacadaha ka dhiga Somaliland Waa MASTER IYO DIPLOMA Luuqadaha ay badanaa wax ku dhigaana waa Afafka qalaad Taasi oo keenta inaanay ardaydu fahminba waxa loo dhigayo,waxaana dadka aqoonta lehi ku sifeeyaan in Goobahani yihiin Guryo dadka Waqtiga looga lumiyo,Lacagta looga Furto Isla Markaana ay Arimo diinta kasoo Horjeedaa Ka Dhacaan

13413687_1808274432739032_2228468980919579730_n13346548_1808274186072390_4074849620635566532_n

Jaamacadahaasi badankooda kuwa ajaanibka waxa laga leeyahay dhinaca dalka Itoobiya,waxaana tii ugu dambaysay oo Itoobiyaan leeyahay laga furay   magalada Hargeysa xaflad ay ka soo qayb galeen xukuumadda,mucaaridka iyo qaybo kale oo bulshada ka mid ah,taasi oo lagu magacaabo unity University,waxaana ay noqonaysaa jamacadii lixaad ee Itoobiya laga leeyahay oo somaliland laga furo.

Liiska Jaamacadaha Itoobiya ee somaliland ka Furan.

1:Admas University

2:Alpha University

3:Adisababa Medical University

4:New Generation Universiy

5:Unity University

6:Rift Velly University.

Isku soo wada duub oo badashada jaamacadaha gaarka looleeyahay ee somaliland ayaa lagu dhaliilaa Wasaaradda waxbarashada iyo Tacliinta sare in ay siiyaan uun liisan waxbarasho balse anay eegin waxa ay tahay iyo tayada ay leedahay aqoonta ay dhalinyarad barayaan ee ay dalka keenayaan.

iyada oo ay intaasi dheertahay tayo la`aan iyo hoos u dhac waxbarasho oo ay keeneen jaamacadahan badani,mana jiraan markaad eegto barnaamijyadooda waxbarasho wax ay ku kala duwanyihiin iyaga oo aad moodo in ayba kala koobiyeysteen,waxaana ay ujeedadoodu tahay uun in ay ka faa`iidaystaan suuq waxbarasho oo dihin oo 70% bulshada somaliland yihiin dhalinyaro waxbarasho tayo leh u baahan.

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Somaliland Cabdilaahi Ibraahin Habane ayaa Ooda ka qaaday Jaamacad Cusub oo Dalka Kusoo Biirtay Taasi Loo Kireeyey Aqal ku Ag Dhow Hotelka Crown ee Magaalada Hargaysa

Jaamacadan Cusub ayaa Loo Bixiyay UNITY UNIVERSITY lamana Garanayo Waxa ay Midayn doonto balse waxaa ay ka mid tahay Jaamacadaha Bilaa Tayada ah ee Dalka kusoo Biiray kuwaasi oo sida Dugsiyada oo kale Xadhkaha soo Goostay waxaana wax ka dhiga Macalimiinta dugsiyada Sare ee Dalka qaarkood,

Jaamacada ayaa Loogu Talogalay inay wax ka dhigaan oo keliya Macalimiin sita Shahaadada Heerka Sare ee loo yaqaan Professors Balse somaliland ama dhamaanba dhulka soomaalidu waa ka duwan yihiin sidaasi waxaana wax ka dhiga qof sita amase aan dhamaysanba digriiga sida uu qabo Aqoonyahan Axmed Nagiib Axmed Taani “Jaamacadahani maaha jaamacado ee soomaalida amase somaliland waxaa ku yaala Iskuulo waxbarasho balse waxaad arkaysaa ama kuu cadaynaya Jaamacada ardayga ka baxa somaliland halkan aynu joogno kuma shaqo tagi karo,xataa dhaqtar iska daaye afiis kagama shaqayn karo waxaana la barayaa oo keliya far hunguri sida iskuulada waayo dadka dalkan wax ka qabtaa waa kuwa wax ku soo bartay jaamacadaha dibada “

 

13434878_1808274339405708_3787162629644954190_n

 

COMMENTS