Gabay Ugu Qii...

Gabay Ugu Qiimaha Badnaa Ee Loo Tiriyey Wariye C/maalik muuse Coldoon By Cabdirisaq Axmed Shaami

0

Wariye coldoon iyo tix aan ku tilaamay Caawa 10/8/2016

Cabiraada gabay waa dheer waanigaan curine
2.Macasuumin maansooyinkaan caanka ku ahaaye
3.teer iyo anoo cunuga baan caalinku ahaaye
4. Calqadii togdheer waxa kakacay wiil cajaayiba
5.Coldoon baa inoo soo bixiyo geesi caanbaxaye
6.Caruur waalidkii dhalay dhamaan ciida lagu duugay
7.ama curad lahelay oo waxbadan geed cidlaa jiifay
8. ciroolaa indhaha beelay aan cidna ee gaynin
9.curyaan caydha oo meel cidlaa cagaha jiidaaya

halkan ka dawo

10.cid kastoo xanuun iyo culays lagu calaamyey
11.Cabdimaalik baw ciidanoo caadilkeen diraye
12.caguu ku raad shaa dadkaa caadil mahadiiye
13.Ciduu gaadho goortaa dhamaan waa cajabiyaaye
14.cudur kii ujiifiyo midkii la cidjiidaayey
15. Iyo caafimaad kii qabee talo ka ceer yoon tay
16.Cidiyaa kolkuu kala guree caamna ugu maydho
17.ee caday usoo iibsho bay cod udhawaaqaane
18. Markaasu cajlado buuxiyaa cod ugu deeqaaye
19.cidhif yada aduunkuu dhakhsaba sii cirbixiyaaye
20.Markaasaa dadkuna caawiyaa ruuxba cududiiye
21. ciyoonbuu wuxuu helo gadaal uula cararaaye
22. afartaa cawayskii xalaan caaradeed xidhaye
24.Afarkalena waa curinayaa cayn maansada
25.aqoon caadiya umaliyo caarifaad dhabahe
26. Hayeeshee wuxun baan cabay camal falkiisaase
27.cabiraad hadii aan coldoon cayn walba u egay
28.waa ruux cilmiga diinigaa caadil ken baraye
29.,caadifina aan weligi noqon cidhib la.aanteede
30.caqido wacan eebaa baxshiyo cayn kanoo kale
31 maalintii calaamaadka badan eebe ku cadeeyey
32.cadceeduna dhawdahay ruxba ruux uuka caraaroyo
33.cawraduna ay muuqato cidi cid eegay nin
34.carshigii allaah hoostagoo bacad lagaa caymi
35.illaahay janada kugu casuun meel kastaad cugato
ByCabdirisaq Axmed Shaami

NO COMMENTS

Leave a Reply