Agaasimihii Ciidanku U Diideen In Uu Xafiiskiisa Galo Oo Markii U Horayso Warbaahinta La Hadlay + Arimo Banaanka Yaalla + Halkan Akhri
August 12, 2016 - Written by editor

Agaasimihii Ciidanku U Diideen In Uu Xafiiskiisa Galo Oo Markii U Horayso Warbaahinta La Hadlay + Arimo Banaanka Yaalla + Halkan Akhri
Agaasimaha guud ee shaqada laga joojiyey oo uu isagana Geeska Afrika arrintan wax ka weydiiyey ayaa sharci darro ku tilmaamay shaqo ka joojinta wasiirku ku sameeyey, “Agaasimayaasha, Wasiiradda, Wasiir ku xigeenada iyo Wasiirul Dawlayaasha waxa magacaaba Madaxweynaha, waxaana lagu magacaaba Digreeto Madaxweyne, markaas masuul ku magacaaban Digreeto Madaxweyne waxa xilka ka qaadi kara oo qudha Madaxweynaha, waa sharci daro in aan anigu idhaahdo Wasiirka ayaan shaqadii ka joojiyey, Dastuurka meelna kagama taalo in wasiirku igu yidhaahdo shaqadii iyo waajibaadkii qaran ee laguu igmaday ayaan kaa joojiyey”
Dhinaca kale Agaasime guud Abiib Axmed Cali waxa uu sheegay in eedaha uu wasiirku u soo jeediyey uu iska difaaci doono, dhawaana uu ka hadli doono.
Haddaba muranka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare oo ka mid ah haayadaha halbawlaha u ah qaranka, kuna jirta xilli ay ardayda dalku bilaabeen sannad dugsiyeed cusub oo muddadii uu khilaafku dibadda uga soo baxay wasaaraddana tirsanaya toddobaad, ayaa aanay illaa hadda madaxtooyada oo iyada xalka kama damaysta ahi gacanteeda ku jiraa ka hadlin, una muuqata in aanay weli gudo gelin xal u raadinteeda, in kasta oo uu wasiirka waxbarashadu maalmihii u dambeeyey safar uu ugu maqnaa dalka dibaddiisa, shalayna dalka dib ugu soo laabtay.

COMMENTS