Madaxwaynaha Dalka Suudaan Ayaa Wacad Kumaray Inuu Gumaysiga Cusub Ka Xorayn Doono Qaarada Afrika Gudaha Ka Eeg Sababata
August 3, 2016 - Written by editor

Madaxa waynaha dalka Suudaan Cumar Xasan Al-bashiir oo khudbadbad ka jeediyay shalay galinkii danbe
caasimada dalka Suudaan ee Khartuum ayaa wacad kumaray inuu gumaysi cusub ka xorayn doono qaarada Afrika
Wuxuu Madaxweynaha Suudaan Cumar Xassan Al-Bashiir sheegay inay ka go’an tahay inuu burburiyo macaahiida caddaalad darrada uuna ka xoreyn doono Afrika gumeysiga cusub ka siyaasad ahaan iyo dhanka dhaqaalaha intaba.
Madaxweynaha Suudaan Cumar Xassan Al-Bashiir ayaa khudbad u jeedinaayay dad tiro badan oo ku sug naa garoonka caalamiga ah ee
diyaaradaha ee caasimada Khartoum kadib markii uu ka soo laabtay safar uu ku tagay Addis Ababa, Itoobiya.

“Wadamada Reer Galbeedku ma oga inaan matalo dadka reer suudaan. Waanu ka weynahay dadka waxa cadaadiya iyo asxaab juhalo ah.” Al-Bashiir ayaa sidaa yiri.

“Waxaanu dumin doonaa dhammaan macaahiida caddaalad darro waxaana Afrika ka xoreyn doonaa gumeysiga cusub, siyaasad ahaan iyo
dhaqaale ahaanba. Si adag ayaanu u taagan nahay manjirto cid na dumin doonotaa.” Intaa ayuu ku daray Madaxweynaha Suudaan Cumar
Xassan Al-Bashiir.
Bishii Maaraj 2009, Maxkamada Caalamiga ah ee Dambiyada ayaa waxay soo saartay waaran lagu soo xidhayo Madaxweynaha suudaan
iyadoo ku eedeysay inuu dambiyo dagaal ka galay gobolka Darfur ee Suudaan.
Si kastaba ha ahaatee, dawlada Suudaan ayaa gaashaanka ku dhufatay inay u hoggaansanto waaranka iyadoo sheegtay aanay xiidhiin heshiiskii Rome ee lagu dhisay maxkamadaa.
Isku soo wada duuboo Madaxweynaha Suudaan Cumar Xassan Al-Bashiir ayaa waxaa la siiyay Abaal Marinta Horyaalnimo ee Sharafta Afrika (Champion of African Pride) waxaana siisay Jaamacada Addis Ababa University.
Fagaare lagu guddoonsiiyay abaal marintaa ayaa waxaa min Salaasadii ilaa Jimcihii lagu qabtay jaamacadaa oo ku taala caasimada Itoobiya ee Addis

COMMENTS