Daawo Sawirada Kumiye Oo Minneapolis Ku Qabay Xaflad Caleemo Saar Maxayse Tahay
August 3, 2016 - Written by editor

Minneapolis (Eryal)- Guddoomiyaha Garabka haweenka xisbal-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE u qaabilsan dalka Maraykanka (USA) Marwo Amal Cabdi Xasan, ayaa loo sameeyey xaflad lagu caleemo-saaray.
Xaflad lagu qabtay magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota ee dalka Maraykankaoo ay ka qaybgaleen masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan laamaha xisbiga KULMIYE ee Maraykanka iyo qaybo ka mid ah qurba-joogta reer Somaliland ee USA ee ka tirsan taageerayaasha xisbiga KULMIYE ee dalkaasi.

Xafladda waxa hadallo ka jeediyey masuuliyiin kala duwan oo uu ka mid yahay Guddoomiyaha KULMIYE ee Minnesota Mr. Cali Salaad Dhamac oo isaga gobolkiisa lagu qabtay caleemo-saarkan, waxaanna dhammaan dadkii madashaasi joogay ugu duceeyeen Guddoomiyaha Garabka haweenka in xilka Alle u fududeeyo, isla markaana waxay ballanqaadeen inay si buuxda ula shaqayn doonaan.

COMMENTS